Artiste u dhashtay dalka Algeria oo Sameyay Taallo uu ka matalay Hertidii Zidane uu dhulka la dhigay Materazzi.

Inta Akhrisatay :20241

Nin u dhashay dalka Algeria oo Farshaxaniste ama Artiste ah ayaa adduunka dib u xasuusinayo teestadii ama madaxii uu Zinedine Zidane la dhacay daafaca wadanka Talyaaniga Marco Materazzi finalkii koobka adduunka 2006 ciyaar dhexmaraysay France iyo Italy oo ka dhacday dalka Jarmalka.

Caadil Cabdi Samad oo ah Artiste ama farshaxaniiste u dhashtay dalka Algeria ayaa waxaa uu sameeyay taallo Maar ah oo muujinayso ama laga matalay hertida uu Zinedine Zidane xabadka kaga dhuftay Materazzi.

Dhacdadaan ayaa ka dhex dhacday labadan xidig daqiiqaddii 110-aad waqtiga dheeriga ciyaartii France iyo Talyaaniga 2006 kadib 90=kii daqiiqo ay isku mari waayeen 1-1 iyadoo labadas gool ay kala dhaliyeen Zidane oo Rigoore u dhaliyay xulkisa France halka Marco Materazzi uu isna bar bareeyay kubad koorno ahayd uu madaxa ku dhaliyay.

Dhererka Taaladan ayaa aha 5 Mitir oo Maar ka samaysan taas oo la suray xudunta ama bartamaha Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Taaladan ayaa ka hor inta aan laga taagin bartamaha magaalada waxaa lagu soo bandhigay Madxafka Caanka ah ee ku yaala dhismaha Pompidou ee magaalada Paris ee dalka France.

Ninka Sawiray Taaladan ayaa muujiyay Madaxa xiiran ee Zinadine Zidane oo Beerka kaga dhufanaya Daafaca dheer ee reer Talyaani Marco Materazzi taas oo sababtay in Zidane laga saaro garoonka ciyarta finalaha waxaana ilaa haatan si dhab ah loo sheegi Karin wixii dhexmaray labadaan Ciyaartooy laakin Zidane ayaa sheegay in Marco Materazzi uu af lagaadeeyay walaashis taasna ay ka caraysiisay oo ku riixday in Herti dhulka kula riday daafacas.

Macalimuu Zidane ayaa ahaa mid kamid ah xidigihii ugu wanaagsanaa ee soo maray caalamka kubadda cagta 100-kii sanno ee lasoo dhaafay waxaana uu dalka France u qaaday koobka adduunka 1998 kadib labo gool uu madax ugu dhaliyay ay Braziil 3-0 ugu qaadeen koobka sidoo kale wuxuu guulo lasoo qeybsaday JUventus iyo Real Madrid.

 

Facebook nagu darso

Xafiiska Wararka Muqdishonews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Nagula xiriir wararka@hotmail.com


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hassan says:

    aad ayaan utaageeraa ninkan ah reer aljeriya




Wararkii U Danbeeyay

Xui a XIliga la qabanayo doorashada maamulka Ximan iyo Xeeb oo la dhaaciyay
- May 20, 2013
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Maamulka Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi “Dhage Cade” oo shir jaraa’id ...
2 Ururka kobciye Community centre oo Shir Lagu Mideynayo Soomaalida degan Islii Qabtay
- May 20, 2013
Waxaa shalay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ka dhacay xaflad si wayn loo ...
boko-haram DHAGAYSO:Qeybta Seddexaad ee Taariiqda Boko Haram
- May 20, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
Shinaha Shiinaha iyo India oo ka wada hadlay xiriirka labada wadan iyo hishiisyo ganacsi oo dhexmara.
- May 20, 2013
Ra’iisul wasaaraha Shiinaha Li Keqiang, ayaa maanta ka sheegay magaalada Delhi ee dalka India ...
asad Ciidamo boolis ah oo dhar lala yaabo xeran oo saaka lagu arkay Kismaayo
- May 20, 2013
Ciidamo badan oo ka tirsan booliska ayaa la sheegayaa in saaka magaalada lagu arkay ...
images Madaafiic xalay lagu gaaracay madaxtooyada iyo xaafado aan laga hurdin.
- May 20, 2013
Habeenimadii xalay waxaa dhawaqa madaafiic xoogan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ...
13651 Alshabaab: Dhibaatada ka taagan deegaanada Jubbooyinka waxaa masuul ka ah…..
- May 20, 2013
Ururka Al-Shabaab ayaa markii uhu horeysay ka hadlay dhibaatada iyo xaalada la isla mari’ ...