Saturday, August 23rd, 2014

Maxaa ku dhacay Liverpool, Faah Faahin ku aadan kulamadii Horyaalka ingiriiska.

Robin van Persie oo suura galiyay shan sanno kadib in Man utd ka badiso Liverpool oo marayso muddo 101 Waqtigeeda ugu xumayd iyo Arsenal iyo Man city oo dhibcaha qeybsaday.

Weeraryahanka kooxda Man utd Robin van Persie ayaa soo gabo gabeeyay shan sanno kooxda Man utd ay sugaysay guul ay ka gaarto dhigeeda Liverpool.

Robin van Persie ayaa dhaliyay gool rigoore ah taas oo ka dhigtay 2-1 ciyaartii ka dhacday garoonka Anfield oo Liverpool ku ciyaarto waxaana ciyaartaan ay kusoo aaday xilli la shaaciyay sheekada Masiimadii Hillsborough taas oo dhacday sanadkii 1989 kii.

Man udd ayaa faa’ido u aragtay kadib markii Liverpool laga saaray ciyaaryahan Jonjo Shelvey daqiiqadii 39-aad kadib markii uu qalad jalaafo ah ku galay ciyaaryahan Johny Evans waxaa Liverpool ay heshay gool ay hogaanka ugu qabatay ciyaarta qeybta dambe bilaawgeed ka hor inta uusan bar bareen ciyaaryahan Silva shan daqiiqo kadib wuxuna goolka barejada dhaliyay  daqiiqaddii 51-aad ee ciyarta.

Liverpool oo waqtigeedi ugu natiijada xumeyd muddo ka badan 100 sanno marayso ayaa waxaa laga dhaliyay goolka 2-aad  iyadoo ciyaarta ka harsan tahay 9 daqiiqo taas oo xaajada kusii xumaysan Liverpool oo ay ka dhuntay sida loo badiyo.

Dhinaca kale.

Kooxda Man city ayaa waxay ciyaar aad u xiiso badan la ciyaartay Arsenal taas oo ahayd ciyaar si weyn loo wada sugayay waxaana goolka la hormaray Man city oo uu u dhaliyay Joleon Lescott laakin waxaa ka bar bareeyay ciyaaryahanka kooxda Arsenal Laurent Koscielny kaas oo ka dhigay ciyaarta natiijadeeda 1-1.

Sidoo kale waxa la ciyaaray kulamo kale oo ka tirsan horyaalka Ingiriska kooxda Tottenham ayaa 2-1 ugu badisay QPR halka kooxda Newcastle ay 1-0 ugu badisay Norwich waxaana goolka u dhaliyay Demba Ba.


Facebook nagu darso

Xafiiska Wararka Muqdishonews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Nagula xiriir wararka@hotmail.com

One Response to Maxaa ku dhacay Liverpool, Faah Faahin ku aadan kulamadii Horyaalka ingiriiska.

  1. cabdikarii says:

    anig waxaan lee yahay waa ku qaldan yihiin ciidamada dhalinta dambiga aan lahayn ee xireen balse waxaa laga rabaa cadeyn

Leave a Reply