Xulka 17 jirada oo dalka dib ugu soo laabtay kadib Guul ay kasoo gaareen Suudaan.

Inta Akhrisatay :15665

Waxaa maanta dalka dib ugu soo laaabtay xulka k/cagta Somalia ee da’dooda ka hooseso 17 jirada kadib guul Taariikhi ah oo ay ka gaareen kulan ay la ciyaareen xulka juunyarka sudan.

Wafdiga xulka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir Dowlaha wasaradda isboortiga iyo dhalinyarada C/laahi Qaloocow iyo xubin xiriir Cali Cabdi (Cali Shiino.

Xulka juunyarka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Ku simaha guddoomiyaha xiriirka somaliyeed ee Kubadda cagta Cali Saciid Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan xiriirka somaliyed ee Kubadda cagta.

Kadib markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho xulka juunyarka Somalia ayaa kabtanka xulkaas Qaasim wuxuu kula hadlay saxaafadda gudaha garoonka isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha taariikhiga ah oo ay kasoo gaareenciyaartii xulka dhigooda Sudan.

Maxamed Cabdule Farayare oo ah tababaraha xulka juunyarka Somalia ayaa kula hadlay saxaafadda gudaha garoonka isagoo sheegay inay soo bandhigeen qaab ciyaareed wanagsan isla markasna sharaxad dheer ka bixiyay isagoo sheegay in haatan ay isku diyaarinayaan ciyaarta warega 2-aad ee is reeb reebka koobka qaramada afrika oo bisha soo aadan October la yeelan doonaan xulka Algeria.

Si kastaba xulka Somalia ayaa guul 1-0 kasoo gaaray xulka Sudan ciyaar ka tirsanayd is reeb reebka koobka Juunyarada Afrika wareega 1-aad iyadoo wareega 2-aad u soo baxay.

Facebook nagu darso

Xafiiska Wararka Muqdishonews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Nagula xiriir wararka@hotmail.com


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

baydhaba Qarax ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Hiiraan
- May 25, 2013
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay qarax khasaaro geestay ...
_67810380_pak_bus Caruur ku dhimatay dab haleelay gaari ay la socdeen.
- May 25, 2013
Caruurta waxay ahaayeen kuwo todobaadkiiba mar lagu soo qaado gaadiidka iskuulka ay ku tagi ...
13751 Jawiga Xaafada B uulo Xuubeey oo ka duwan subaxyadii hore
- May 25, 2013
Dadka xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa saaka kusoo toosay iyadoo wado waliba ...
Madobe_soldier_slide Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} oo eedeyn u jeediyay DF Soomaaliya
- May 25, 2013
Madaxweynaha maamulka Jubbaland sheegtay inuu yahay Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe", ayaa waxa uu ...
asw DHAGAYSO:-Madaxda IGAD oo ku dhawaaqay Dowlada hadal ay ku faraxdo
- May 25, 2013
Waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada gobolada Jubbooyinka uu xalay ka dhacay ...
jabuti1 DHAGAYSO:- Mucaraadka Jabuuti oo dhaliilay dowlada Ismacil Cumar Geele.
- May 25, 2013
Mid kamid ah xisbi mucaaradka ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa waxay ka hadleen ...
index DHAGAYSO:- Siidii “Baraawe iyo deegaanada kale ayaan weerar ku nahay”
- May 25, 2013
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu ...