Kooxda Elman oo Hanatay Koobka Xiddigaha K/Gacanta 2012.

Inta Akhrisatay :13832
XiddiK-Gacanta01
MUQDISHO: Garoonka degmada Xamar Jajab ayaa waxaa ku soo idlaaday galabta koobkii Xiddigaha Kubadda Gacanta oo ciyaartii ugu dambeysay galabta guusha ay ku raacday kooxda Elman.

Kulankii adkaa ka dib waxaa halkaasi ka hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo u mahadceliyay madax kooxaha, ciyaartoyda, maamulka degmada Xamar Jajab iyo Taageerayaasha oo uu muujiyay sida uu sheegay wada shaqeyn sidii ay habsami ugu soo idlaan lahaayeen Tartanka Xiddigaha 2012.

“Tartankan Xiddigaha si xiiso leh ayuu ku soo dhamaaday, waxaad aragteen garsoorka inuu ahaa hab ka duwan sidii hore waxaan la jaanqaadaynaa caalamka  sida garsoorkoodu yahay – maanta waxaa garsoore dhexda ahaa Leyla Cabdi Cali iyo Cabdullaahi Xasan Cali (Kuusoow) oo aad wada taqaanaan, sidoo kale garsoorka keydka waxay ahaayeen hablo loo carbiyay garsoorida K/Gacanta. Tartamada soo socda sidan ayaan ku horumarinaynaa” sidaas waxaa ka dhawaajiyay gabagabdii Tartankan Guddoomiye Eenoow.

Si kastaba, ciyaartii kama dambeysta ahayd oo ah isaga horyimaadeen kooxaha Elman iyo Xamar Jajab ayaa waxaa ay si dirqi ah guusha ku raacday 30-29 Elman oo waayo aragnimo kaashatay maadaama ay ku jiraan ciyaaryahano ka mid ah Qaranka K/Gacanta.

Daawashada ciyaarta waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiye ku xigeenka GOS Xasan Axmed Cabdi [Elman], Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed, Guddoomiyaha Degmada Shingaani Cali Cumar Abuukar [CaliXamari], Agaasimaha Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maye (Walker),  Xubin Guddiga fulinta GOS ahna Guddoomiyaha XSF Xaaji Axmed Maxamed Coloow, Guddoomiyaha XSKT Aweys Maxamed Abati {Arafeeyo} iyo taageerayaasha Kubadda Gacanta.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

Somalia Sacuudiga: Soomaaliya oo ka badisay Nigeria
- May 24, 2013
Soomaalida waxay ku qeybyihiin Nigeria oo ay xalay la cayaareen, Cameroon iyo Chad oo ...
images Kenya oo looga digay taageerada maamulka Jubbaland.
- May 24, 2013
Dowlada Kenya ayaa waxaa la weydiiyay inay dib kaga fakarto taageerada ay siinayso maamulka ...
asasd Siyaasiga Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland?
- May 24, 2013
Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka ...
asada Dowlada Kenya oo laga dalbaday bilowga diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed.
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday inay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga ...
_67788422_018096031_ap Weeraro ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Niger iyo dad badan oo dhintay.
- May 24, 2013
Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku ...
13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...