Madaxweynaha Cusub oo cambaareeyay qaraxii shalay + dhageyso
Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray hotelka Jaziira oo uu shirjaraa’id ku qabayay.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in qaraxyadaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha qaranka, wuxuuna kooxihii soo maleegay ugu baaqay in ay ka tanaasulaan waxyaabaha noocaas oo kale ah.
Mudane Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu u tacsiyeeyay ehelada dadkii ku geeriyooday gaar ahaan Askartii amaankiisa ka shaqeyneysay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa Shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM si looga badbaado dhibaatada ay umadda ku hayaan kooxaha dambiilayaasha ah.
Halkaan ka dhageyso Hadalka Madaxweynaha
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Wararka@hotmail.com







