Al Qaacida oo ugu hanjabay Maraykanka inay dili doonaan Muwaadinin Maraykan eek u jira gacantooda haddii ay joojin waayan duqeymaha Somalia ay ka geystan Maraykanka.
Urur weynha Al qaacid aya Ugu Hanjabay Dowlada Mareykan in ay dili donaan Sama falayaal U dhashay dalkaasi Oo ku jira gacan tooda Hadii ay faraha kala bixin Arimaha Somalia.
Muuqaal Cajal Video ah oo AL Qaacida soo dhigeen bog interneet ah oo ay isticmaalaaan ayaa waxay ugu goodiyeen inay dili doonaan haddii dowladda maraykanka ay joojin waayaan Duqeymaha Somalia ay ka gaystaan.
Al Qaacida waxay sheegtay in maraykanka ay weeeraro duqeymo ah ka gaystaan dalal badan oo caalamka muslimiinta ah oo Somalia ku jirto waxayka ugu hanjabeen inay dili doonaan muwaadiin maraykan ah oo ay haystaan kuwaas oo tiradooda kor u dhaafayaan 10 ruux kuwaas oo ku jira gacanta urur weynaha AL Qaacida.
Muuqalkan video-ga ah oo ay AL Qaacida soo bandhigaan ayaa waxaa ka dhex muuqanayay samafalayaal Maraykan kuwaas oo wajiyadooda ay ka muuqanaysay cabsi badan isla markaasna AL Qaacida ay ku dalbadeen in dowladda Maraykanka ay joojiso duqeymaha ay ka gaysanayso dalal ay Somalia ku jirto.
Diyaaradaha iyo maraakiibta Maraykanka ayaa duqeymo ka gaysta dalka Somalia iyagoo duqeymahaas ay waxyeelo kala duwan kasoo gaareen dad rayid ah halka dowladda maraykanka ay sheegto inay la bartilmaameedsato Dagaal yahanada Al Shabab iyo kuwa AL Qaacida ee ka dagalama Somalia.