Thursday, June 20th, 2013

Al Shabab oo sheegatay Qaraxii Hoyga Madaxweynaha lala beegsaday Maanta.

Ururka Al Shabab ayaa sheegatay qaraxii ka dhacay hotel Jaziira ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu degan yahay Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

War qoraal ah oo Al Shabab ku soo qoreen boggooda Twitter waxay ku sheegeen in weerar ay ku guuleeysteen ku qaadeen hotel u dhaw garoonka diyaaradaha oo uu ka dhacayay kulan sare oo muhiim ah.

Qaraxa ayaa waxa fuliyay sida la sheegay laba nin oo baabuur watay, kadibna isku dayay inay galaan hotelka. Mid ayaa isku qarxiyay hotelka hortiisa, halka kan kalena ay toogteen ciidanka ammaanka..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabanayeen markii uu qaraxa dhacayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>