Tuesday, June 18th, 2013

Qaadiroow Midkii Khayr ku Jiro, Qoomka ku Badbaadi, Gabay ku Socda Musharixiinta, by M Xaaji

Qarankii jabee aan la helin, Kaadir qalab qaata.

Umaddii qaxdee aan la hanan kala qorsheynteeda.

Madficii qarxee aan la huwin, Qaaya nabadeedba.

Qabyaalladii dhacdee aan la hubin, Halista qiiqaysa.

Qabtii qarni-biloowgaan ka nahay, Qulubka koowaade.

Qulubkiyo khilaafkaan ka nahay, Qaybta koowaade.

Quruumaha aduunkaan ka nahay, Qaati iyo dayro.

Qaaradda Afrikaan ka nahay, Waxaan qiyaasneyne.

Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi

 

Nus-Qarni ku dhowaad waxaan ahayn, Qax iyo baaruude.

Isma qabato aan qiil lahayn, Baa dantii qubaye.

Qarax iyo in lays qoonsadaan, Qiime moodnaaye.

Siyaasiguna waa kii qoqobay, Qarankii Soomaale.

Umaddii qabiil bay bareen, Qoqobya qaan baase.

Iska qaado qaataye, ayay nagu khasbaayaane.

Danohooda khaaskay rabaan, Inaan ka qaadnaaye

Anaguna qaran baan rabnaa, Cisiyo qaanuune.

Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi

 

Caana daatay dabadood la qabay, Waa dabuub qorane.

Qab qab dhaafay waa waxan Qarnigan,  isku khilaafnaaye.

Dad- qalatadu ma joogteen, Hadaan qiime leenahaye.

Dhurwaa lama qasheen haduu qoonkayagu, Diinta qaataaye.

Qurba joog kama door bidneen, Qaranki waynaaye.

Deriskeenna kama qaadaneen, Cashar qaraar badane.

Daneheenna lama qaayibeen, Quus sidaan nahaye.

Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi

 

Qoowlkii Jaarlees Digool, Baan ku qiil ahaye.

Qaran waliba hogaanka u qalmuu, Qaado leeyahaye.

Calool waliba quudkeey cunteey, Qarasteed leedahaye.

Umadaan qiyaamaha korkeed, Laga ridee qaawan.

Hadii aynaan qabaliyiin ahayn, qaxar ma joogneene.

Gayigeennii qurxoonaa nin kale, Shan uma qaybsheene.

Danaheena khaaska ah dagaal, Laguma qaadeene.

Khayraadkiyo badahaan lahayn, Lama qiyaasteene.

Masiirkeennii qaranimo qiime jaban, Lagama qaateene.

Qoqobkiyo qabyaaladda xun baan, Qiime moodnaaye.

Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi.

Qalinkii Maxamed Xaaji Xuseen Raage.

Nagula soo xiriir Wararka@hotmail.com.

 

One Response to Qaadiroow Midkii Khayr ku Jiro, Qoomka ku Badbaadi, Gabay ku Socda Musharixiinta, by M Xaaji

  1. Cali maxamuud cali says:

    Somalia waxa waye wadan dhibato culus somaray dhibatadane waxa ka sari karo allah rajada ey ledahay hadertan waxa eey ku wanagsaneeyd in loo dhibo in wayo arag ah oo so qabtay xilal kala duwan ah ne nin quburo ah ahne nin barfasor ah layaqano ah an aheyn caloshis ushaqeyste sidi kuwii nawareeriyay 20 kiisano waxan ka cabsanaa hadi raga qar eey helan codadka in dhibato ciyon ey suli weyso allow nosahal midan ku dirsano ahne mid wayo arag ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>