Monday, April 21st, 2014

Soomaalida iyo Qaadka.

Sida muuqata ma jitro faa’iido lagu qabo mar haddii uu lee yahay khasaare dhan kasta leh, marka laga reebo wax xoogaaga ay ka helaan inta iibisa oo seylada la joogta, taasoo xitta aan ku sineyn quutul daruuriga maalintaas.

In badan baa laga sheekeeyay dhibta iyo hooga uu u leeyahay guud ahaan bulshada soomaalida meel kastoo ay joogaan lagana helo qaadka, hase ahaatee haddana waan laga hareyn oo weli qeybo fara badan baa ku lamaanan.

Qaadka waxa Soomaaliya looga isnticmaalaa sida waxyaalaha nolosha lagu kaabo, ee Cunadda iyo Biyah oo kale, marka aad u fiirsato sida uu camiran yahay suuqa markaas lagu gado.

Soomaalida waxaa maalin walba ku qaraj-garaysaa ka ganacsiga Jaadka lacag kor dhaafaysa $300,000 oo Dollar-ka maraykanka ah.

Dadaka Iibiyaa waxaa u badan Haween oo iyagu u badan Dumar Garoob ah, oo ragoodi ay kala tageen, qaarkoodna uu ka cararay oo aysan meelna ku sheegi karinn, iyo kuwo laga dhintay, kuwaas oo sida ay sheegtaan ku dooda in aysan helayn meel kale oo ay u ciirsi tagaan, dantuna ku kaliftay si ay u daboolaan noloshooda iyo tan Caruurtooda.

Caadiyan dumarkaas waxa ay ku gadaan qararka laamiyadda, kala Beydh-yadda wadooyinka waaweyn ee Magaalooyinka, waana goobo ay aad u liidato Nadaafadooda iyo Amaankoodaba. Waxaa intaas u dheer sharaf dhaca ay dharaar walba kala kulmaan goobahaas wanaagu ku yaryahay.

Waayo, Ragga ka gataa waxa ay isugu jiraan qaar dabcigooda uu qaadku xumeeyey iyo kuwo markoodii roraba liitay, waxayna kala kortagaan Haweenta KABARKA Qaadka fadhiya Caro iyo Aflagaado gef weyn ku ah sumcadda Marwonimadeeda, dumarkaasi laftoodu saameyn weyni uu ku yeeshay sunta geed-ka Cagaaran, mararka qaarkoodna waxaad arkaysaa iyadoo u cay cilinaysa. Waxaana marar badan dhaca isu gacan qaad ka dhashay ereyo fool xun oo ay is dhaafsadaan dadkan qaadku qaaday.

Kala qabta iyo kala ciliya ayaad maqlaysaa marka aad u kuur gasho hab-dhaqan-ka kala dhaxeeya Iibiye-yaasha Maandooriyaha Qaadka iyo kuwa cunna intuba.

Kuraas iyo miisas la safay jidadka laamiga ah ee magaalooyinka ayaa lagu iibiyaa. Qofta gadaysa waxa ay halis iyo geeri u jirtaa in ka sokeysa Jijinta ugu jirta Rasaasta ay maleeshiyaad-ka hubaysan ay isla dhacayaan, Boodh-ka (Siigadda) iyo Baabuurta oo iyagu si dhimir la’aan ah lagu wado kolalka qaar.

Qaadka oo ah sun doog cagaaran ah ayaa waxa uu yahay mid si sixir ah ruuxa ugu faafa jidh-kiisa marka uu in ka ruugo, waxa uuna gaarsiiyaa marxalad ka fogaansho mudan, waa marka laga hadlo xaga cunista, dhanka kale waxa uu leeyahay dhibaato, waxa uu dooriyaa guud ahaan dhaqanka suuban & dabcigga hagaasan, dhanka cunista iyo iibinta- intuba.

Bal eeg sheekadan , waxaa isla hadlaya qosy ka kooban Aabe, Hooyo iyo Sadex Caruur ah oo ay isu dhaleen. Odayga Reerka waa muqayil weyn oo xaafada laga yaqaano.

Islaantii oo ilmihii qado u weysay iyo wax ay dabka u saarto oo xalay xoogaagii ay cuneen wax danboo uga daba maray aanay jirin ayuu Odaygii ilinka ka soo galay, isagoo sita xirmo qaad ah, waxa uuna ku wataa Bac Nuuca madaw ee Soomaalida maanta ay aad u isticmaasho, markaas bay caruurtii labo ka mid ah ku oraday iyagoo ku qaylinaya “Hooyo Aaabaa Cuno noo keenay ee Fiiri” Hayeeshee waxaa mar uun afkiisa ka soo fakaday erey caruurtii iyo hooyadood-ba ka fajaciyay.

“War idaaya, Cuno ma ahaane waa qaad aan watee, naa Ilmahan maad si uun iga tiraahdid oo Iga seexisid” Intuu Yiri ayuu waxa uu raaciyay “shaah ii keen, oo buuqiinana iga yareeya” ayuu misna waxa uu salka la helay Kuris islaanta dhinaceeda yaalay.

“Cali, sidan nolol miyaad u aragtaa ilmahaagga oo gaajeysan miyaad Hortooda qaad ku ruugaysaa? Ilaahow Adigaa Caadil ah” ayay Ku hadaaqaday wadaadi oo wajigeeda uu ka muuqado Naxdin iyo caro Xoogan.

Dhacdadan iyo kuwo la mid ah waxa ay si joogto ah uga dhacaan qoysas-ka xubno ka mid ahi ay mirqaamaan. Halka dhalin badana ay isku haystaan gidaarada iyagoo gaabis ka noqday masraxyadda tacliinta iyo horumarka.

“Maan Isku darsano? Maya anigu Qeyb-baan rabaa, Kaligay ayaan qaadanayaa” ayaa ka mid ah hadalada ay isla dhex maraan dhalin yaro fara badan oo goobaha lagu gado jaadka soo xaadira xiliyadda uu soo dhoco.

Halkan waxaa sheeko qosol leh isku dhaafsanaya labo dhalin yaro ah oo isaga hor yimid geed ku yaala suuqa qaadka lagu iibiyo ee isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisgo.

Isgoyska xiligaas waxa uu ahaa mid camiran, marka loo eego ciriiriga uu yahay, waxaana isugu yimid Muqayiliin ka soo hayaamay qaybo ka mid ah xaafadaha magaaladda.

Axmed: Rubacaan Racdo ugu jira, weli waxbaa iga dhiman

C/naasir: Maxaan rubac xasilnaa, xalay ayaan ku dhafray oo waaga ayaa iigu baryay, saaka waan soo kici waayay, markaan soo toosayna ilmo Baas iyo Habartood ayaa buuq igu furay, waxaaba iqabanaysa ma iska furtaa? Horta sxb adiga xaas ma leedahay?.

Axmed : Maya saaxiib naag iyo xiligan maxaa ii soo arkay! Timirtii horaa dab loo la’yahay, ee laakiin C/naasir talo ayaan kuu hayaa, waxaad samaysaa labo maalmood u goo, oo haku waayaan, markaas ayay kuu xiisayaan!.

C/naasir: Talo fiican waaye, caawa ilaa sadex habeen oo kale kulan ma lihin, meel aan aadno ma noo haysaa?.

Axmed: Shaqadeyda ahaa taas. Waa weynka ayaan kuu geynayaa!, adigaa indhaha ka nuursan doona!.

C/naasir: Alaab dheh, Rageedi waad ka baxsanaysaayee, Rubaca may cuntaa?

Axmed : Xagga hore waaye saaxiib, anigaa kaa huba, way ka dhacdaa, mar hadii aad barato meel kale ku hakan maysid, waa meesha aniga ila degtay, oo intaa iga soo reebtay.

Markii ay intaas is dhaafsadeen ayay waxa ay wada qabteen mid ka mid ah Haweenka kabar-layaasha ah ee Suuqa Jaadka fadhidda, waxa ayna ka qaateen Xirmad qaad ah iyo Bar, iyagoo faraxsan ayay jaanta si fiican dhulka ula heleen waxa ayna wada aadeen halkii balantu ahayd in maalintaas lagu soo qayilo.

Nolosha dhabta ah ee Qaad cunista iyo aragtidoodaba waa taas iyada ah ee reerkaagi iyo rugtaadi kugu dirta, ragana kaa hoos marisa, rubuc qaad ahna kugu raadisa, raaliyadaadiina rif-rifan ruq-ruqsan oo reerahoodi ka raagtay raarteeda ku fariisisa.

Wararka@hotmail.com.

 

One Response to Soomaalida iyo Qaadka.

  1. amoore says:

    fikirkaygu waxaa weye markii ey dowladeenu xoog yeelato waa inaan iska qabanaa qaadka rageenii iyo dhalinteenii qaymaha tiray

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>