Geela iyo Waxtarka uu Bulshada u leeyahay.

Inta Akhrisatay :18564
Geel
Geellu, dhaqanka reer guuraaga Soomaalidu, wuxuu uga jiraa meel sare. Waa Gaadiidkood kowad , Way ku guuraan, wayna rartaan. Waxayna ka helaan cad iyo caano, oo ah cuntada la quuto kuwa ay ugu dhadhan jecel yihiin. Wuxuuna nolosha baadiyaha u yahay lafdhabar. Waa sida badwiyiinta Carabtu ugu magacdaraan MARKAB-U-SAXRAA (Gaadiidka Lama-degaanka). Xoorkii laga Cabay xagaa Hore iyo Xasuusba Geell lagu Xergeeya

Dunida si fiican loogama yaqaan dhaqashadiisa iyo waxtarkiisaba. Waxay hadda olole ugu jiraan in dadkooda ay baraan waxtarkiisa, gaar ahaan ka manaafacsiga caanahiisa.

Muddo ku dhow dhowr iyo 20 sano ka hor ayay bilaabeen hayadaha cilmi barista Qrammada Midoobay iyo Jaamacadaha waddamada Yurub baaris ay kaga baaraandegayaan waxtarka GEELLA uu u lahaan karo dadka, gaar ahaan quudka caanahiisa.

Warbixin laga diyaariyay, waxaa ka soo baxay cilmi baarisyadaas oo dalal kala duwan laga qaaday, waxay caddaynaysaa in waxtar ballaadhan uu leeyahay Caanahiisa. Warbixintu waxay adkaysay in Caanaha Geella uu geli karo ganacsi oo weliba laga heli karo ribax(Faa’ido) xaddigiisu gaarayo ilaa $10bilyan sanadkiiba.

Warbixintu, waxay intaas sii raacisay in Caanaha Geella uu hodan ku yahay walxaha loo yaqaan (Vitamin B iyo maaddada loo yaqaan manganese) iyo iyadoo looga hortagi karo cuduro fara badan, gaar ahaan cudurka Soomaalidu u taqaan SONKORTA (diabeti). Sida XULBADA, oo khubbaro Ameerikaan ah ku ogaaday cilmi baaris dheer ay ka sameeyeen dalka YEMAN in looga hortagi karo isla cudurkaa Sonkarta iyo kuwo kaleba.

Hayadda Qarammada Midoobay ugu qaabilsan Cuntada iyo Beeraha, oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (FAO), waxay ugu baaqday kuna dhiirigelisay dalalka dhaqda GEELLA in ay dhexda u xirtaan soo saarista iyo ka ganacsiga Caanahiisa.

Wararka la xiriira ka ganacsiga Caanaha Geella, waxay Soomaalidu u tahay sida iyagoo si lama filaan ah u helay “Dhaymanka Madow”, haddiiba ay garan karaan kana faa’idaysan karaan fursaddan dahabiga ah.

Waxay arrintan dhiiringelin kartaa dhallinyaro badan oo ku bahdalaysan  Maliishyonka iyo Magaalooyinka  in ay hubka dhigaan dibna ugu laabtaan xoolo dhaqashada, si ay wax u taraan naftooda isla markaana ula soo noqdaan karaamadii ka luntay, kana qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Waxay kaloo warbixintu qirtay in tirade Geella ku nool dunida oo ay ku qiyaastay    20 Milyan oo neef, ay intooda badan ku nool yihiin Soomaaliya qiyaas dhan (2/3).

Hase yeeshee, waxaa dood ka taagan in Soomaalidu ay xoolo raacato yihiin iyo in ay yihiin xoolo dhaqato ama in yihiin labaduba. Waxaanse doodi ka taagnayn in Soomaalidu ay jecel yihiin Geella. Waxaa taasina marag kac u ah suugaanta Geella laga tiray oo aad u fara badan. Iyagoo muujinaya jecaylka ay u hayaan Geellana, waxay yiraahdeen: GEELLA MA LA KALA LAHA, WAXAA LEH NINKII XERADIISA KU JIRA.

Oraahdan, waxay tilmaamaysaa jecaylka Soomaalidu u qabto Geella, waxay kaloo muujinaysaa in muhiimaddu ay tahay in GEELLA ku sugnaado xeradaada, balse aysan ahayn muhiimaddu sida uu xerada ku soo galay. Waa sida reerka loo yaqaan MASAAYA u arkaan LO’DA. Masaaydu dhaqan ahaan waxay qabaan in kolkii dadka la abuuray, uu Alle iyaga lo’da qayb u siiyay, ciddii kale oo haysatana ay booli ku tahay weliba, haddii ay qolo kale lo’da ka soo dhacaan ay qabaan in ayan wax danbi ah gelin, balse ay soo noqsadeen xoolo ay leeyihiin oo laga haystay.

Mar kalena Nin Geella u haysay wuxuu yiri:

HAWADA BEENA EEBOW MAXAAN XALAY HORWEYN DHEELMAY OO MAXAAN HALEELO ISKU DUMAY GEELL NIN LUHU HAYSTO.

Mar kalena wuxuu yiri: NIN GEELLA LEH, NINKA DABA YAAL, KAN SII DABA YAAL, BAANU DABA NAAL.

Bal heesahaan soo socdo ila eeg, oo Geella lagu amaano, waxaa laga garan kara in dartii rag ku xarbiyo oo foodda is daro, midda kalena uu ku tilmaamayo geerida Geella in gaajo laga qaadayo, geeridii dumarna uu guur cusub laga qaadayo.

HELLALEY MEEL XINJIRI TAA, HELLALEY OO RAG KU XARBIYAY, HELLALEY OO XAKAAR BADAN, HELLALEY XAYAAD OLOLAAY.

HELLALEY GEERIDAADANE, HELLALEY GAAWO MARAN IYO GAAJO LAGA QAAD, HELLALEY GEERIDAYDANA HELLALEY GURYO DUMAY IYO HELLALEY GABLAN LAGA QAAD, HELLALEY GEERIDII DUMARNA HELLALEY GUUD LA FIRAY IYO HELLALEY GUURSI LAGA QAAD.

Soomaalidu,iyagoo Geella u yahay astaanta hodantinimada ayaa haddana fanaankii Geella u heesay uu astaan uga dhigay Qaranka , wuxuuna yiri: “HASHEENA MAANDEEQ”.

Dhinaca kale haddii aan ka eegno, sida ay u arkaan Soomaalida xeeb degtada ah iyo suugaanta ay ka tiriyeen, waxay ku tusinaysaa in ay ku kala duwan yihiin sida ma-deganayaasha Soomaalidu u qiimeeyaan Geella. Tani waxay markhaati kale oo cilmi ah u noqon kartaa, in kala duwanaanta degaanka (Georaphical location) uu door ka ciyaaro kala duwanaanta dhaqan dhaqaaale ee ummadi lahaan karto.

Iyagoo tilmaamaya Geella, qaar ka mid ah Xeeb Degtada Soomaaliyeed, waxay yiraahdeen “CIMRIGAAGA RAAGO GEEL DHALAAYANA WAA KU TUSAA”.

Mar kalena iyagoo GEELLA ku hadal qabanaya, waxay ku heeseen:

GEEL MAXAAS KUU GARTAA

GAR MAKUU GOYN KARAA

GAAL ISLAAM MAAS GALAA

GABARTII GUURSIGEED

WAAN GAFEE.

MA GUURAA GOD MAAN GALAA.

Sugaan badan ayey Soomaalidu u tirisay ama ka tirisay Geella, Sugaantaas Qaar ayaan Qormada dambe Insallahu ku soo qaadan doona.

Wali waxaan Ku boorinayaa Dadka akhrista Maqaaladayda in ay ku dhaqaaqaan Dhiiri galinta Dhaqashada Geella.

Mahadsanidiin

Waayeel.

Faafan12@yahoo.de.

 


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

Somalia Sacuudiga: Soomaaliya oo ka badisay Nigeria
- May 24, 2013
Soomaalida waxay ku qeybyihiin Nigeria oo ay xalay la cayaareen, Cameroon iyo Chad oo ...
images Kenya oo looga digay taageerada maamulka Jubbaland.
- May 24, 2013
Dowlada Kenya ayaa waxaa la weydiiyay inay dib kaga fakarto taageerada ay siinayso maamulka ...
asasd Siyaasiga Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland?
- May 24, 2013
Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka ...
asada Dowlada Kenya oo laga dalbaday bilowga diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed.
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday inay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga ...
_67788422_018096031_ap Weeraro ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Niger iyo dad badan oo dhintay.
- May 24, 2013
Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku ...
13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...