Dhibaatooyinka Sigaar Cabista.

Inta Akhrisatay :18070
Sigaar
Hadaad si dhab ah u fiiriso bulshadeena waxaynu ogaaneynaa in sigaar cabistu tahay mushkilad ummadda ka dhex jirta ta ugu baahsan. Bulshadu xag dhaqaale, xag da’ iyo xag aqooneedba heer kasta ood ka eegto waxa kuu muuqanaya dad fara badan oo sigaar cabaya.

Kamana badbaadaan aafadaas dad yar oo naftooda xakameeyey illaahna u gargaaray marka laga reebo. Arrinta sigaar cabista bulshada waxaan u kala qaadaynaa 3 waji oo kala ah Dhibaatooyinka ka dhasha, Diinteenu waxa ay ka qabto iyo Kahortagga Sigaar cabista:

1.- Dhibaatooyinka ka dhasha: Dhibaatooyinka sigaar cabista ka dhasha waxaynu u kala saaraynaa dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo dhaqaale. Cudurrada sigaar cabista ka dhasha waxa ugu waaweyn cudurrada sambabada sida kansarka.

Waxaa kale oo uu keenaa xusuusta qofka oo yaraata, rabitaankiisa raashin oo yaraada, jirka iyo ilkaha oo wasakhooba, neefsashada oo uu ciriiri geliyo, dareenka oo uu wax u dhimo, jirka oo uu tabar darri guud ku rido, dabeecadda iyo doonista qofka oo uu xumeeyo iyo wahsida.

Xagga dhaqaalaha dakhliga ruuxa cabaa Sigaarka waxaa la xaqiijiyey inuu ku bixiyo maalkiisa saddex meelood meel ama kala bar dhaqaalihiisa. Tani waxay ku keentaa cabaha Sigaarka in maalkiisa uu meel cidla`ah ku bixiyo ayna suuragal tahay inuu isticmaalo masruufka reekiisa iska daa dhar iyo nashaad kale oo uu u sameeyo reerkiisee.

Qoysas badan oo wanaag ku dhisnaa ayuu kala diraa Sigaarku sababo la xiriira xagga dhaqaalaha darteed. Dadka cabba Sigaarka ayaa laga yaabaa qar badan oo kamid ahi inay kharaj la`aan ku dhacdo kuna raadsada qaab xun sida inuu wax xado ama laaluush qaato.

2.- Diinteenu waxa ay ka qabto: Culimada diinta Islaamku waxay isku raaceen wax kastoo dhibaato keenaya ka dheeraashadiisu inay waajib tahay ku dhaqankiisuna xaaraan yahay. Wuxuu Eebbe dadka u xalaaleeyaa waxyaabaha fiican, wuxuuna ka xarrimaa waxyaabaha xunxun.

Culimadii hore qaar baa yiri wax dhib ah ma laha sigaar cabsitu, iyagoo ka duulaya xeerka ah inay wax waliba xalaal yihiin wixii la xarrimo mooyee. laakiin ogow xiligaas lama ogaan dhibaatada uu leeyahay. Laakiin casriga maanta la joogo la ogaaday dhibaatooyinkiisa faraha badan cid difaaci karta sigaar cabistuna aanay jirin.

3.- Kahortagga Sigaar cabista:

Waxaa haboon in dadka looga digo waxyeelada Sigarku leeyahay laguna wacyi galiyo goobaha dadweynuhu ku kulmaan inaan lagu cabbin sida ay ku dhaqmaan dalal dhowr ah. Waalidka iyo barbaariyaha waxa waajib ku ah ubadka inay ka warqabaan, dhaqankooda iyo dhaqdhaqaaqooda u kuur-galaan, Wadadda toosana ku hagaajiyaan.

Carruurta iyagu caadada sigaar cabista barta reerkooda oon ka warqabin, arrintooda oo faraha laga qaadaa waa khatar, dhibaatada ay bulshada u geysanayaanna waa mid aan laga waaqsan, haddii hortooda loo daayo. Waxaa haboon in waalidku aanu ku ag cabbin Sigaarka caruurtiisa hortooda, waayo Ubadkaas waxay halis u yihiin mustaqbalkooda inay raacaan talaabada waalidka.

Dhalinyarada bartaa cabista sigaarka wuxuu la kulmayaa dhibaatooyin badan wuxuuna hoos uga dhacayaa faciisa wanaagsan, waxaana suuragal ah inuu la kulmo mustaqbal madow.

Dr. Cabdiyare
afrika252@yahoo.com


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

idle yare Fanaanka Iidle Yare oo Hees aad u macaan soo saaray + DHAGEYSO
- May 20, 2013
Fanaanka Iidle C/llaahi Iidle Yare ayaa soo saaray Hees aad u macaan oo soo ...
123 Odayaasha Dhaqanka Beesha Maxamud Hiraab oo Taageeray Maamulka Axmed Madoobe
- May 20, 2013
Waxgaradka Culumaa,udiinka Haweenka,Siyaasiyiinta Beesha Mohamud Hiraab (Duduble) ayaa baaq taageero ah u diray Maamulka ...
Xui a XIliga la qabanayo doorashada maamulka Ximan iyo Xeeb oo la shaaciyay
- May 20, 2013
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Maamulka Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi “Dhage Cade” oo shir jaraa’id ...
2 Ururka kobciye Community centre oo Shir Lagu Mideynayo Soomaalida degan Islii Qabtay
- May 20, 2013
Waxaa shalay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ka dhacay xaflad si wayn loo ...
boko-haram DHAGAYSO:Qeybta Seddexaad ee Taariiqda Boko Haram
- May 20, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
Shinaha Shiinaha iyo India oo ka wada hadlay xiriirka labada wadan iyo hishiisyo ganacsi oo dhexmara.
- May 20, 2013
Ra’iisul wasaaraha Shiinaha Li Keqiang, ayaa maanta ka sheegay magaalada Delhi ee dalka India ...
asad Ciidamo boolis ah oo dhar lala yaabo xeran oo saaka lagu arkay Kismaayo
- May 20, 2013
Ciidamo badan oo ka tirsan booliska ayaa la sheegayaa in saaka magaalada lagu arkay ...