Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas ay ka jiraan xiisado dagaal.
Xiisadahan ayaa ka danbeeyay kadib markii koox hubaysan ay xalay weerar ku qaadeen guriga uu magaaladaas ka degan yahay gudoomiyaha dowalda Soomaaliya ay dhawaan degmadaas umagacowday.
Weerarkaas ayaa waxaa ka bad baaday Gudoomiyr Cismaan Ciise Taar-dhuleed , iyadoona lasoo sheegayo in falkaas lagu eedeeyay ciidamo katirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.
Waxaa jira warar sheegaya inm khilaaf uu ka taagan yahay Maamulka ay dowlada KMG umagacowday degmadaas.
Ciidamo badan oo siyaabo kala duwan loo adeegsado ayaa lagu arkayaa Gudaha Magaaladda.
War hada soo dhacayna waxaa uu sheegayaa in ciidamada Itoobiya ay gudaha Magaaladda soo galeen ayna isku dayayaan in xaalada ay qaboojiyaan.
Odayaal iyo Sidoo kale Xubno katirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa isku dayaya in ay ka hortagaan weeraro kale oo dhaca.
Ahlu-sunna manaxaan waa mujaahidiin
Ahlu sunna waamujaahidiin